DHAGEYSO: Howlgal ka bilowday Degaanada Soomaaliland

Hargeysa-RisaalaFM- Afhayeenka Ciidanka Booliska ee ilaalada wadooyinka Maamulka Soomaaliland Feysal Xiis Cilmi ayaa sheegay in Ciidamada Booliska iyo Ciidanka ilaalada wadooyinka Soomaaliland ay howlgal Ka bilaabeen dhamaan degaanada maamulka Soomaaliland.

Howlgalkaan ayuu sheegay Afhayeenka in lagu baacsanayo Gawaarida xawaaraha saa’idka ah lagu wado iyo kuwa Hoonka xilliyada aan munaasabka aheyn ku yeeriya Magaalada gudaheeda

Waxa uu sheegay sanadii la soo dhaafay in ay kordheen tiradda shilalka ka dhacay soomaaliland ayna sababeen khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed

Inta badan wadooyinka Maamulka Soomaaliland ayaa ka dhaca shilal kuwaas oo sabab u ah gawaarida xawaaraha dheer ku socda.