DHAGEYSO: Howlgal culus oo ka socda magaalada Xudur ee gobolka Bakool

Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay howlgalo culus ka wadaan degmada Xudur ee gobolka Bakool iyo  deegaano hoos yimaada.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koofur galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka looga dan leeyahay in shabaab laga saaro deegaanada maamulka Koofur Galbeed inta aan la gaarin bisha ramadaan.

Howlgalka ayaa badan kiisa  maanta ka dhacay tuulo ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool ,waxaana ciidanka dowladda Soomaaliya ay sheegeen in ay dileen sargaal ka tirsan Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa warbaahinta u sheegay howlgalka uu yahay mid balaaran oo shabaab looga saarayo deegaanada Hoos yimaada degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Maamulka Gobolka Bakool ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalka Shabaab looga saaraayo gobolka Bakool.