DHAGEYSO: Heshiis hordhac ah oo laga gaaray beelo ku dagaalamay Marko

Muqdisho-RisaalaFM- Heshiis hordhac ah ayaa waxgarad ka soo kala jeeda Beelo maleeshiyaadkooda dhowaanahanba ay ku dagaalamayeen Magaalada Marko iyo degaano hoostaga ayaa waxa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Shirar shalay iyo maalinkii ka horeysay magaalada Muqdisho ayaa waxgaradka labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in marka hore la joojiyo dagaalka labada Maleeshiyo beeleed, kadibna la guda galo heshiiska qeybihiisa kale.

Guddoomiyaha Magaalada Marko Xasan Cumar oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay heshiiskan inuu yahay mid hordhac ah, ayna rajeynayaan ka maamul ahaan inuu hirgalo, maadaama dhinacyadan ay wax badan dagaalamayeen.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dad ka soo horjeeda heshiiska oo ka shaqeeya dagaalka, wuxuuna ugu baaqay in taasi aysan aheyn wax wanaagsan ayna ugu baaqayaan in ay ka qeyb qaataan nabadeynta.