Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu meel wanaagsan marayo qorshihii Soomaaliya ay kula soo wareegi lahayd furaha 252 iyo internet-ka.
Dowladda ayaa sidoo kale wada qorshe lagu hormarinayo isgaarsiinta Soomaaliya iyo in dadka soomaaliya ay helaan adeega hufan.
Wasiirka Wasaarada Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumada Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur ayaa xubnaha Golaha Wasiirada u sheegay in Wasaaradiisa ay dadaal wadaan.
Waxa uu sidoo kale kulanka Golaha Wasiirada ka hor sheegay in heshiisyo hormarineed ay la soo galeen Hay’addo caalami ah.
Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’isal Wasaaraha C/laahi Xaamud ayaa sheegay in wasiir Canshuur uu wado dadaalkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya gacanta loogu soo gelin lahaa furaha 252 iyo internet ka guud ee Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’isal Wasaaraha C/laahi Xaamud ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in Soomaaliya ay gaari doonto xilli ay maamusho adeega internet-ka iyo furaha 252.



