DHAGEYSO: Halkuu marayaa Dhismaha Shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ?

Jowhar-RisaalaFM- Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu sheegay in uu gaba gabo marayo qorshaha dib loo bilaayo shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Wasaarada Arrimaha Gudaha ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee ku saabsan sidii shacabka dega Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay u heli lahaayeen Maamul ay ku mideysan yihiin.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka iyo Ergooyinka ka qeyb galaya Shirka ka furmaya Jowhar in ay tagayaan Magaalada Jowhar si ay ugu qeyb galaan shirka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa horay u shaaciyay in Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu dib u bilaabanayo.

Sidoo kale waxaa weli jira cabashada ka soo baxeysa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ee ku aadan in sidii la rabay aysan Dowladda Soomaaliya u wadin Shirka.