Waajid-RisaalaFM- Al-shabaab ayaa go’doomiyay wadooyinka soo gala Degmada Waajid ee Gobolka Bakool muddo hada ku dhowa Hal sano, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya uu sheegay in ay wadaan qorshe go’doonka looga qaadayo Degmadaasi.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay bilaabeen Howlgallo lagu furayo wadooyinka ay go’doomiyeen ururka Al-shabaab.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa si gaar ah u sheegay in Howlgalada ay si gaar ah uga bilaabeen Deegaanada hoos yimaada Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Wuxuu sheegay inta ay wadaan Howlgallada Ciidanka koonfur Galbbeed iyo kuwa Dowladda in Shabaab ay ka saareen tuulooyin ay ka mi yihiin Baar, Ceel-hure iyo Ceel-malable oo horey Shabaabka ay ugu sugnaayeen.
Ugu dambeyntii Gudoomiye ku xigeenka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa shacabka halkaasi ku dhaqan ugu baaqay in ay gacan siiyaan ciidanka amaanka si Shabaab looga guuleysto.


