Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hay’adaha Amaanka ee Dowladda ugu baaqay in ay ka hortagaan Weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto Weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in aysan Al-Shabaab Carqaladeyn Karin Doorashada Soomaaliya islamarkaana ay ka hortagayaan Weerarada ay doonayaan in ay ku qaadaan goobaha Doorashooyinka.
Waxa uu tilmaamay in Hay’adda Amaanka ee Dowladda looga baahan yahay in ay sii laba jibaaraa dadaalkooda ku aadan ka hortaga Weerarada Al-Shabaab.


