Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howgalada dhawaanahaan ay ku baacsanayeen Shabaabka ku harsan deegaanada maamulkaasi.
Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Mooraal Taliyaha ciidamada Jubbaland ee aaga Baar Sanguuni oo warbaahinta ugu warbixiyay howlagaladii ugu dambeeyay iyo guulaha ay ka gaareyn, ayaa sheegay in guulo la taaban karo ay ka gaareyn howgaladaasi.
Waxa uuna sheegay in weli howgaladu ay socdaan ayna ka adkaadeyn Shabaabkii ay ku dagaalameyn deegaanada maamulkaasi, waxa uu intaasi raaciyay in deegaano hor leh oo ay weli Shabaab kaga harsanyihiin Jubbooyinka ay ka saari doonaan.
Dhawaanahaan Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa waday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay Shabaab kaga saarayaan degaanada ay kaga suganyihiin maamulkaasi.


