Garowe-RisaalaFM- Hay’adda maaraynta masiibooyinka ee Puntland (HADMA), ayaa maanta oo Khamiis ah digniin xoogan ka bixisay xaalada reer guuraaga u hayaamay dhulka Roobku ka da’ay ee Banerbeyla, kadib markii walaac xoogan laga muujiyay qulqulka reer guuraaga iyo sugnaan la’aanta biyaha iyo baadka.
Agaasimaha HADMA, Cabdulaahi Axmed Ceyrow oo warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay tirada reer guuraaga soo hayaamay inay haatan marayso 22,438 qoys, isagoo sheegay qatarta ugu weyn inay tahay in biyaha iyo baadka ay haystaan uusan sii jiri Karin haddii aan taakulo kale lala gaarin dadkaas..
Ceyrow ayaa ugu baaqay Puntand iyo Hay’addaha samafalka inay si dhow ula socdaan xaalada reer Guuraagaas iyo kuwa loogasoo tagay dhulkooda oo weli abaartu hayso, wuxuuna sheegay haddii bisha labaad la gaaro inay qoraxdu kululaanayso oo ay xoolaha iyo dadku ubaahanayaan isticamaalka biyo badan.


