DHAGEYSO: Hadii Xildhibaan uu shaqada ka tago kursigiisa ayaa lagu badelaaya?

Ka dib kulan ay Maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale guddiga Hirgalinta doorashada dadban ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen guddiga doorashooyinka dalka.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta golaha shacabka ayaa sidoo kale waxaa uu ahaa mid ay isku baranaayay hoggaanka cusub ee baarlamaanka iyo sidoo kale guddiga hirgelin doorashooyinka dadban .

Sidoo kale waxaa ay ka wadahadleen arimo ku saabsan sida laga yeelaayo hadii ay banaanadaan kursi ka mid ah kuraasta hadda lagu fadhiyo.

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa sheegay in aysan Aqbali doonin in xildhibaanka hadii uu geeriyooto ama uu shaqada ka tago in lagu wareejiyo qofkii uu rabo kursiga, laakiin kursigaasi doorashadiisa dib loogu laaban doono , islamarkaana ay soo dooran doonaan 51 ergo.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qaarkood waxaa ay xilkooda ku wareejiyaan caruurtooda , waxaana tani ay meesha ka saaraysa in kursiga cidii la doono lagu wareejin karo.

Kursigii banaanada waxaa loo gali doonaa doorasho, waxaana xildhibaanka soo dooran doonta intii horay u soo dooratay oo kale , waxaana uu kasoo baxaya degaankii uu kasoo jeeday.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa arintaasi ka aqbalay guddiga doorashooyinka dadban.