Kismaayo-RisaalaFM- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga soo doortay Degaanada Maamulka Jubbaland ayaa gurmad gaarsiiyay dadka ku nool Degaanada Jubbooinka, halkaasi oo ay ka jiraan Abaaro daran.
Xidlhibaanadan ayaa gurmad gaarsiiyay Qoysas fara badan, kuwaas oo ku nool Degaanada Jubbooyinka kuwaas oo ay isugu darsameen Abaaro iyo Dagaallo, maadaama dhowaan halkaasi ay ku dagaalameen Ciidanka Jubbaland iyo Shabaab.
Xidhibaan C/raxmaan Dheere iyo Xldhibaan Fartaag oo ka mid ahaa xubnihii horkacayay xildhibaanadan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan gurmadka raashiinka ee ay gaarsiinayaan dadka ku dhibaateysan Degaanada Jubbaland.


