Baydhabo-RisaalaFM- Iyadoo shalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa uu ka hadlay ujeedka ugu weyn ee uu halkaasi u gaaray.
Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay ujeedka uu ku tagay Magaalada Baydhabo in uu yahay sidii uu u dar dar gelin lahaa Howlaha Doorashada Labada Aqal.
Wuxuu sheegay Gudoomiye Jawaari Doorashada ka dhaceysa Koonfur Galbeed in ay noqon doonto mid Daacad ah oo aan wax fara gelin ah lagu sameyn doonin.
Ugu dameyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa shacabka Koonur Galbeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Hormarka Magaalada, sidoo kalena ka qeyb qaataan Doorashooyinka ka dhacaya Dalka.


