Wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir lagula xisaabtamayo amaanka guud ahaa degmada ay maamulaan.
Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in gudoomiyaha degmada loo qabsan doono degmo kasta oo waxyeelo amni daro ay ka dhacdo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in maamulka degmada looga baahan yahay inuu si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqa amni daro ee ka taagan degmada, maadaama la doonayo in la xaqiijiyo amaanka guud ahaan gobolka Banaadir.
Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in qeybaha kala duwan ee hayadaha amaanka ay garab taagan yihiin maamulka gobolka Banaadir, si amaanka magaalada uu u noqdo mid ka duwan sidii hore.
Dhawaan maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu wareejiyay xaqiijinta amaanka iney masuul ka yihiin, kadib kulan hayadaha amaanka ay ku sheegeen magaalada Muqdisho.


