DHAGEYSO: Guddiga Doorashooyinka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay halka ay mareyso qaban qaabada Doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

Guddiga ayaa sidoo kale ka hadlay Cabashada Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Somaliland iyo gobolka Banaadir ee ku saabsan Doorashada Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Maxamed Keynaan oo gelinkii dambe ee Maanta la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay Guddiga.

Waxa uu Afhayeenka Hambalyo u diray Madaxda Maamulka Puntland ee shalay si rasmi ah magaalada Garoowe ugu bilaabay doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Sidoo kale Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Maxamed Keynaan aya sheegay in la xaliyay qeyb ka mid ah Cabashada Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Somaliland.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay bilaabaneyso doorashada Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka.