Muqdisho-RisaalaFM- Ururka Somali Media Association ee loo soo gaabiyo (SOMA) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Wariye Mahad Cali Maxamed oo ka tirsanaa shaqaalaha Idaacadda Codka-Mudug ee ka howlgasha Gobolka Mudug.
Xoghayaha ururka Somali Media Association ee loo soo gaabiyo (SOMA) Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin geerida ku timid Wariye Mahad Cali Maxamed, sidoo kalena ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Ehelada, Asxaabta iyo qaraabadii uu ka geeryoodey Marxuumka.
Waxa uu Maamullada Puntland iyo Galmudug ugu baaqay in ay si deg deg ah ku joojiyaan Dagaalka Gaalkacyo oo ay ku dhinteen dad badan sidoo kalena ay ku barakaceen.
Ugu dambeyntii Ismaaciil Sheekh Khaliifa Xoghayaha ururka Somali Media Association (SOMA) ayaa Wariyeyaasha Soomaaliyeed uga digay in ay u dhowaadaan goobaha halista ah ama Dagaalada ay ka socdaan si aysan khatar u gelin nafsadooda.


