DHAGEYSO: Guddoomiyeyaasha Labada Aqal oo kulan la yeeshay Deeq bixiyeyaasha

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi iyo ku xigeenada labada Aqal ayaa xarunta Xalane ee Muqdisho uga qeyb galay shir looga hadlayay dar dar gelinta howlaha mashaariicda Deeq bixiyeyaasha caalamka ay ku taageeraan Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkan oo ay goob joog ahaayeen wakiilo ka socday Deeq bixiyeyaasha Caalamka iyo Hay’adaha la shaqeeya ayaa sidoo kale waxaa si toos ah qadka muuqaal ahaan magaalada Nairobi shirkan uga qeyb galay madax ka socotay Hay’adaha Deeq bixiyeyaasha.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay shirkan in looga hadlay qorshaha dar dar gelinta mashaariica lagu taageerayo Baarlamaanka Soomaaliya oo ah mid horay u socday.

Dhanka kale Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Baarlamankan uu ka howlo iyo baahi badan yahay Baarlamaankii hore, islamarkaana xildhibaanada laga rabo in ay aadaan degaan Doorashooyinkii laga soo doortay, si ay u keenaan xaaladaha dhabta ah dadka halkaasi ku nool.

Kalfadhiyada labaad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa dhowaan si rasmi ah loo furay, waxaana Guddoonka labada Aqal ay wadaan dar gar gelinta howlaha horyaalla.