Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Ambassador Thaabid Cabdi Maxamed ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiye Ku Xigeenada Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Wasiiro, Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka, iyo Masuuliyiin kale.
Soo dhaweyn ka dib ayaa Waxaa mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho loogu sameeyay Xaflad soo dhaweyn ah.
Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa MuqdishoAmbassador Thaabid Cabdi Maxamed ayaa Xaflada soo dhaweynta ka sheegay in uu ku faraxsan yahay Xilka loo Magacaabay.
Sidoo kale waxa uu u mahadceliyay Masuuliyiintii ku soo dhaweysay Muqdisho iyo Guddiga soo qaban qaabiyay Xaflada soo dhaweynta.
Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa MuqdishoAmbassador Thaabid Cabdi Maxamed ayaa shacabka Muqdisho ka dalbaday inay kala shaqeeyaan nabadeynta Caasimada.
Waxa uu sidoo kale shacabka iyo Masuuliyiinta Dowladda ka codsaday inay kala shaqeeyaan hormarinta Gobolka Banaadir iyo adkeynta amniga.
Ambassador Thaabid Cabdi Maxamed ayaa ahaa Safiir ku xigeenka Soomaaliya ee Dalka Mareykanka ahna Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya Waxaana loo magacaabay Xilkaasi labo sanno ka hor.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah Xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ula wareego.



