DHAGEYSO: Dad Abaarta darteed u geeryooday

Mudug-RisaalaFM- 6 Ruux ayaa Gaajo darteed waxa ay ugu geeryooden Degaano ka tirsan Gobolka Mudug, iyada oo Abaaraha ka jira Gobolada dalka ay sii kordhayaan,

Dadkan ayaa ku geeryooday Ceel-dibir oo ka tirsan Gobolka Mudug, kuwaasi oo isugu jira dad Da’ah iyo caruur, sida ay xaqijiyeen Masuuliyiinta halkaasi ku sugan.

Ilaa iyo hada ma jiraan gurmad sax ah oo la gaarsiiyay dadka ku nool Degaanka Ceel-dibir, inkastoo biyo dhaamin halkaasi laga sameeyay.

Qeybo ka mid ah Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa mudooyinkan dambe waxaa ka jira Abaar daran oo leysay dadka iyo duunyada.

Wakiil wareedka Radiyadaha Risaala ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Maxamed Muxudiin (Saxansaxo) ayaa waxa uu uga waramay Feysal C/laahi Maxamuud.