Hargeysa-RisaalaFM- Somaliland ayaa maanta Magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland waxa ay ku xirtay Saddex suxufi oo ka tirsan TV-ga Horn cable, sida uu soo sheegayo wariye halkaasi ku sugan.
Xariga Saddexdan suxufi ayaa yimid kadib markii ay muuqaal ka duubeen dad ku banaan baxayay Hargeysa, sawirana ka qaadeen, kuwaasi oo ka cabanayay sicir bararka ka jira Degaanada Somaliland.
Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa Gaari shabaqle waxa ay dhexda uga tuureen Saddexdan Suxufi, kuwaasi oo loo kaxeeyay saldhiga dhexe ee Booliska oo ku yaalla Magaalada Hargeysa.
Dadaalo dheer kadib oo ay sameeyeen suxufiyiinta iyo dadka qaar ayaa waxaa suuragashay in Maamulka Somaliland laga dhaadhiciyo in aysan qalad laheyn wariyeyaasha, oo ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo, taasina ay sababtay in la sii daayo.
Somaliland ayaa maalmahan dambe waxa ay kordhisay ku takri falka ay u geysaneyso Wariyeyaasha, Fanaaniinta iyo dadka caanka ah, waxaana dhowaan xabsi Labo sano ah ay ku xukuntay Wariye C/maalik Muuse Coldoon, oo wax qalad ah aanan laheyn.


