Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacday Munaasabad kooban oo ay xilalka ku kala wareegayeen Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, oo shalay xilalkaasi loo magacaabay.
Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir ayaa waxa ay xilka kala wareegtay masuulkii hore ee xilkaan hayn jiray Ismaaciil Macalin Cabdi Guure.
Gudoomiye Ku xigeenka amniga iyo Siyaasada Saalax Sheekh Maxamed, ayaa waxa uu xilka kala wareegay masuulkii hore ee hayn jiray xilkaan Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.
Sidoo kale waxaa xilka la wareegay Gudoomiye Ku xigeenka Arrimaha Bulshada C/laahi Xaaji Ereg, waxaana xilkaasi uu kala wareegay Iimaan Nuur Iikar oo mudo Todobo sano ku siman xilka soo haayay.
Gudoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka ayaa isagana xilkiisa si rasmi ah ula wareegay, halka Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir xilka uu la wareegay.




