Dhageyso:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo digniin u diray…

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng, Yariisow ayaa waxaa uu digniin culus u diray dadka sida sharci darrada ah dhismayal uga sameysta wadooyinka.

Waxa uu sheegay in cidii gurigeeda xilliyada ay dhisaneyso kusoo dhaweysa wadada ay tallaaba ka qaadi donaan waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay arrintaasi garab weyn Maamulka ku siiyaan si looga hortago.

Duqa Muqdisho ayaa Maanta  waddo jaay ah uu ka dhigax-Dhagax Degmada Waaberi taas oo isku xirta Sadex waax oo ka mid ah Degmadaasi,waxaan uu sheegay in la doonayo in looga baxo ciriiriga lagu qabo Wadooyinka mara degmadaasi Waaberi.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Yariisow ayaa inta badan waxa ay soo saaraan ammaro iyo digniino kala duwan kuwaas oo aan intooda badan waxba aysan ka fulin.