Dhageyso:-Guddiga doorashooyinka jubbaland oo War cusub soo saaray

Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in uu soo gabagaboobeen waqtigii loogu tala galay in ay Odayaasha dhaqanku ku soo xulaan Saddexda Qof ee laga dhex dooran doono Shakhsiga ka mid noqonaya Baarlamaanka Labaad ee dowlad goobleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi Barre ayaa sharaxaya halka ay marayaan Shaqooyinka Guddiga iyo soo xulusta xildhibaanadda Cusub.