DHAGEYSO: Guddiga Difaaca BF oo Mooshin gudbiyay

Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka ayaa Mooshin ka gudbiyay Hannaanka loo dhisayo Ciidamada Qaranka, waxayna ka soo horjeedaan qaabka la doonayo Ciidamada in lagu dhiso.

Wasiirkii hore ee Gaashandhigga hadana ah Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in dhismaha Ciidamada aanay aheyn isku dhafkii la rabay, ayna u muuqdaan mid muujineysa qaab lagu dhisayo Ciidamo Goboleedyo.

Xildhibaan Xuseen Carab, wuxuu inta ku darray Guddiga Difaaca Baarlamaanka inay diidan yihiin wax walba oo hoos u dhigaya awooda Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Guddiga Difaaca ayaa gudbiyay Mooshinkan xilli ay socdaan dadaallada lugu raadinayo in lugu dhiso Ciidamo Millateri ah, kuwaas oo noqon doona Ciidamada Xoogga dalka.

Dowladda Federaalka iyo Guddoonka Baarlamaanka weli kama aysan hadlin Mooshinka ay ku diidan yihiin Guddiga Difaaca Baarlamaanka hannaanka lagu dhisayo Ciidamada Xoogga dalka.