DHAGEYSO: Guddiga Abaaraha oo amaanay shacabka

Muqdisho-RisaalaFM- Xoghayaha Arrimaha joogtada Wasaardda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Yaxye Cali Ibraahim ahna xubin ka tirsan Guddiga Gurmadka ee heer federaal ayaa ka hadlay halka uu marayo gar gaarka Gurmadka Abaaraha.

Waxa uu sheegay shacabka Soomaaliyeed in uu ku amaanayo qaabka ay isugu naxariistaan, isuguna gar gaaraan, isaga oo sidoo kale sheegay shacabka Soomaaliyeed in ay yihiin dad Deeqsi ah, maadaama aysan isku haleyneyn lacag laga sugo saaxiibada Soomaaliya.

Sidoo kale Prof. Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay Maamulka Puntland ku amaanay qaabka ay u bixiyeen lacagtii ay ku wareejiyeen Guddiga Gurmadka Abaaraha, maadaama lacagta ay ku iibsadeen 10 Booyadood oo dadka loogu soo dhaamiyo Biyaha.

Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya oo isu bedelay macluul, ayaa waxay dadka bilaabeen in ay macluul ugu geeriyoodaan degaanada miyiga, Dadka ay Abaaruhu saameeyeen oo u badan Beeraley iyo xoolo dhaqato, ayaa wixii ay haysteen waxaa ay ku waayeen Abaaraha.