Xudur-RisaalaFM- Dhaqaatiir ka socota Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, kuwaasi oo ujeedkooda uu yahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladaha caafimaad daro ee jira Gobolkaasi.
Guddoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed ayaa ka warbixiyay sida cudurka shuban biyoodka uu u saameeyay Degmada Xudur.
Sidoo kale Maxamed Macalin Axmed Guddoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegay Degmada Xudur in ay u baahan tahay gar gaar deg deg ah lala soo gaaro.
Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ka mid ah Degmooyinka u go’doonsan ururka Al-shabaab, waxaana halkaasi dhibaato shacab fara badan.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed.


