DHAGEYSO: Guddi loo saaray Aaska Wasiirkii Dastuurka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay Guddi loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan Aaska Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maanta geeriyooday.

Kheyre ayaa sheegay in Guddiggaan ay ka shaqeyn doonaan sidii Aas Qaran loogu sameyn lahaa Wasiirka oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hoggaamin doona Guddiggaan uu Magacaabay Kheyre, waxaana ka mid ah Wasiiradda, Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo Arrimaha dibadda.