DHAGEYSO: Golaha Wasiirada K/Galbeed oo yeeshay kulan

Baydhabo-RisaalaFM- Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankooda caadiga ahaa ku yeesheen magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen dhammaan Golaha Wasiirada maamulka ayaa waxaa looga hadlay ammaanka guud ee degaanka iyo Howlgalada Ciidamada ay kula dagaalamayaan ururka Al-shabaab.

Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed degaanadiisa ay yihiin mid aad u wanaagsan dhanka amniga marka loo eego.

Wuxuu sheegay laamaha ammaanka maamulka Koonfur Galbeed in aysan marnaba u dulqaadan doonin in Koonfur Galbeed ay ka dhacaan falal ka baxsan amniga.