DHAGEYSO: Golaha Wasiirada K/Galbeed oo kulan yeeshay

Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay maanta waxaa kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa shir Gudoominayay Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiiraka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi.

Waxaa kulanka looga hadlay arrimaha Ammaanka, Waxbarashada iyo sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha ka jira Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay kordhineyso Dagaalka lagula jiro Shabaab.