Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu baaqay Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya inay horyimaadaan Xildhibaannada Golaha Shacabka si loola xisaabtamo.
Wasiirada looga yeeray Golaha Shacabka ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar),si wax looga weeydiiyo arrimo quseeyo oo ka dhacay dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka & Duulista Hawada sheegay in looga baahan yahay maalinta Axada inay hor yimaadaan Baarlamaanka,isla markaana Xildhibaanada u diyaar garoobaan.
Wasiirka Amniga ayaa waxaa wax laga weeydiin doonaa xaalada amni ee dalka qorshaha Wasaaradda Amniga uga degsan Amniga iyo qodobo kale,halka Wasiirka Gaadiidka wax laga weeydiin doono xayiraadii Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyoCabasho uga timid Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.



