Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Wasaarada Cadaalada ay ku dadaaleyso sidii loo dhisi lahaa Golaha Adeega Garsoorka.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay dhismaha Golaha Adeega Garsoorka isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii loo dhisi lahaa.
Waxa uu tilmaamay in ay hada socdaan wada tashiyo ku aadan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka.
Waxa uu sheegay in hada aysan jirin Golaha Adeega Garsoorka ah oo dhisan maadaama sida uu sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Digreeto ku kala diray Xubnaha Guddigaasi.
Waxa uu xusay in ay ka shaqeynayaan sida ugu dhaqsiyaha badan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka.
Bilowga sanadkii 2015 ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Waxa uu kala diray Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka ka dib Warqad Digreeto ah oo Xafiiskiisa ka soo baxday.



