DHAGEYSO: Gen. Saacid oo baaq u diray shacabka

Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waxa uu sheegay shacabka Soomaaliyeed in looga baahan yahay wax walbo oo la xiriira amni darada in ay u soo sheegaan Ciidamada Booliska.

Gen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay Ciidanka ammaanka in ay u diyaar u yihiin sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.

Qarax Gaari oo maalin ka hor ka dhacay Nawaaxiga Dekada Muqdisho ayaa waxaa ku dhimatay 6 halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 10 kale, Shabaab ayaa sheegtay masuuuliyadda weerarkaasi