Muqdisho-RisaalaFM- Ganacsiga Suuqa labaad ee Soomaaliya Suuq Bacaad ayaa maanta gebi ahaanba xiran, kadib markii Maamulka Degmada Yaaqshiid amar ay ku bixiyen in aanan la furi karin goobaha ganacsiga Degmadaasi.
Qof ka mid ah Ganacsatada Suuqaasi oo u waramay Idaacadda Risaala ayaa sheegay Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir in dadka ganacsatada ah ay ku amreen dadka inaysan furi karin goobaha ganacsiga.
Sidoo kale qofkan ayaa inoo sheegay sababta lagu haysto ganacsatada inay tahay sheegista koox hubeysneyd oo shalay Suuqa dhexdiisa ku dishay nin ka tirsanaa Ciidamada Canshuuraha Dowladda Hoose ee Xamar.
Wuxuu kaloo sheegay qofkan Ganacsadaha ah ee inoo waramay hadii ay sheegaan in nafsadooda ay halis galeyso oo la bartilmaameedsanayo, sidaasi darteedna aysan fara gashan karin falalka nuucaan oo kale ah, ilaa amnigooda laga damaanad qaadayo.