Dowlad goboleedka Galmudug ayaa war kasoo saray wadahadaladii Magaalada dhuusamareeb ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Madaxda maamulka Galmudug, kuwaas oo siyaabo kala duwan looga hadlayay.
War-Saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu soo bandhigay nuxurka wadahadaladii Dhuusamareeb iyo shuruudaha ay ku xireen wadashaqeyn dhexmrata dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug.
Sidoo kale, Dowlad Goboleedka Galmudug waxay dalbatay in ka hor wada-hadalada ay DFS ay xiyiraada ka qaado kaalmadii miisaaniyadeed ee Galmudug ay ku laheyd qoondada miisaaniyada qaranka iyo mashaariicda horumarineed ee hakadka ku jira muddo sanad ku dhaw si loogu adeego shacabka la dalaa-dhacaya duruufaha adag sida colaada iyo abaaraha soo noq-noqday”
Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Galmudug Cabduweli Jaamac Barre ayaa sharaxaya War-Saxaafadeedka.


