DHAGEYSO: Galmudug oo ku dhawaaqday Howlgallo ka dhan ah Shabaab

Cadaado-RisaalaFM- Maamulka Galmudug ayaa wuxuu sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab, kuwaas oo looga saarayo Deegaanada iyo Degmooyinka ay ka joogaan Galmudug.

Gaashaanle Sare C/laahi Aadan Xuseen Abaanduulaha Ciidanka Xoogga ee Qeybta 21-aad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan qorshe Shabaab looga saarayo Deegaanada Galmudug, isagoo sidoo kale sheegay in Ciidanka ay diyaar u yihiin Howlgallada.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga ee Qeybta 21-aad Gaashaanle Sare C/laahi Aadan Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Galmudug ay hada heystaan Tababar dhameystiran, oo ay uga hortagi karaan  Shabaab, sidoo kalena shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Galmudug looga baahan yahay in ay garab siiyaan Ciidanka, si shabaab looga guuleysto.

Hogaamiyaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa horey u sheegay in ay bilaaban doonaan Howlgallo ka dhan ah, Shabaab.