DHAGEYSO: Galmudug oo ka hortimid codsigii R/wasaare Khayre

Cadaado-RisaalaFM- Xubnaha Guddiga Doorashada Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ka wada hadleen codsi kaga yimid Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile), kaas oo ahaa mudo 45 cisho ah in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Xildhibaan Feysal Axmed Ducaale oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxa uu sheegay wadatashiyo kala duwan oo ay la sameeyeen shacabka kadib Baarlamaanka Galmudug in ay isla garteen dabayaaqada Bishan in la doorto Madaxweyne.

Sidoo kale Xildhibaan Feysal Axmed Ducaale ayaa sheegay Dastuurka Galmudug in uu qorayo in ay u madax banaan yihiin ismaamulidooda gudaha, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka.

Dhowaan ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu Baarlamaanka Galmudug ka dalbaday mudo 45 cisho ah in ay dib u dhigaan Doorashada Madaxweynaha Galmudug.