DHAGEYSO: Galmudug oo ka hadashay dhacdadii degaanka Bariire

Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa ka hadlay dadkii Shacabka ahaa ee lagu dilay degaanka Bariire.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo sidoo kale ay saaxiibo yihiin dadkaasi ay laayeen taasina ay tahay wax laga xumaado.

Waxaa uu xusay in dowladda Soomaaliya laga doonaayo in ay wax ka qabato dadka Shacabka ah ee lagu hoos leynaayo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanka wali aysan magdhow ka bixin ciidamada Galmudug ee lagu laayay degaanka Jeexdin.