DHAGEYSO: Galmudug oo ka hadashay Dagaalka Dumaaye

Cadaado-RisaalaFM- Maamulka Galmudug ayaa sheegay 26 ruux oo Shabaab ka tirsan in lagu dilay dagaalka dadka Degaanka iyo ciidamada Shabaab ku dhexmaray Degaanka Dumaaye oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur, ayaa maanta Saxaafadda wuxuu ugu sheegay Magaalada Cadaado in dagaalkaasi lagu dilay ciidamo Shabaab oo gaaraya 26 ruux, kuwaasi oo ka mid ahaa ciidankii dagaalka ku jiray.

Waxa uu sheegay dhinaca dadka Degaanka inay soo gaartay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena Al Shabaab ay gubeen guryo ay dadka leeyihiin.

Wasiirka Amniga Galmudug, ayaa fariin u diray Dowladda Federalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM, waxaana uu ugu baaqay inay door ka qaataan dagaalkaasi ka socda Deegaanka Dumaaye oo Shabaab ay dadka ku laynayaan.

Cismaan Ciise ayaa sheegay Maamulka Galmudug inay ciidamo u direen deegaanka Dumaaye si ay u caawiyaan Dadka Degaanka ee Al-shabaab la dagaalamaya.

Shabaab ayaa dadka Degaanka waxa ay ka doonayaan in ay ka qaataan waxa ay ugu yeeraan Zakawaad, islamarkaana dadka Degaanka arintaasi si adag ayeey kaga soo horjeedaan.