DHAGEYSO: Galmudug oo amar culus kusoo rogtay Shirkadaha Diyaaradaha

Maamulka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay in diyaaradaha Qaadka aysan kasoo degikarin degaanada maamulka Galmudug hadii aysan bixin waxyaabaha laga rabo.

Wasiirka Maaliyadda Galmudug Siciid Siyaad Shirwac ayaa Warbaahinta u sheegay in ganacsatada Qaadka lagu Amray in aysan ka soo degi Karin Garoomada Diyaadaraha Galmudug,iyaga oo aan ogolaansho ka heysan Maamulka.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan Ganacsato badan oo aan ogolaansho ka heysan Galmudug , kuwaasoo si Sharci daro ah ku shaqeysta.

Wasiirka ayaa xusay in Ganacsatada Qaadka kiiladiiba laga doonayo in ay bixiyaan lacag Canshuur ah oo gaareysa  ila $2.5 oo dollar islamarkaana mudo 7 Maalin gudahood ah iskusoo diiwaan geliyaan.

Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu habeynaayo Canshuuraha maamulka Galmudug.