Garowe-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay khilaafka maalmihii dambe ka taagnaa Dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Wuxuu sheegay Madaxweyne Gaas in uu soconayo mashruuca lagu dhisayo Dekeda magaalada Boosaaso, maadaama uu tilmaamay inuu soo maray Baarlamaanka maamulka Puntland.
Gaas ayaa fariin adag u diray shakhsiyaadka carqaladaynaya habsami u socodka dhismaha dekedda magaalada Boosaaso, wuxuuna tilmaamay in mashruucaasi horumar iyo wanaag u yahay shacabka Puntland.
Todobaad ka hor Magaalada Boosaaso Banaanbax ka dhacay oo ka dhan ah Dekeda Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay Laba qof, halka sidoo kalena uu ku dhaawacmay Hal qof, sidoo kale waxaa jiray khasaare hantiyadeed.



