DHAGEYSO: Faysal Cali Waraabe oo walaac ka muujiyay Ciidamada ku sugan Buuhoodle

Siyaasiga Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka digay in Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya laga Abaabulo Magaalada Buuhoodle ee maamulka khaatuma.

Waxaa uu sheegay in Ciidamo Maleeshiyaad ah oo ku sugan Magaalada Buuhoodle dowladda Soomaaliya ay doonayso in ay qarameyso.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan arintaasi.

Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu arintaasi waddo.

Degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa waxaa ka taliya maamul lagu magacaabo khaatuma oo aan taageersaneyn Somaliland.