DHAGEYSO: Fashil amni iyo mid Siyaasadeed oo ka taagan gobolka Banaadir

Sida muuqata Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka taagan fashil amni & mid siyaasadeed oo u muuqda mid la isugu qanacsan yahay, maadaama aaney muuqan isla xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo madaxda xilalka shacabka loo dhiibay si ay Bulshada ugu shaqeeyaan.

Isla xisaabtan la’aanta ka jirta Gobolka Banaadir ayaa sabab u noqotay masuul kasta xafiiska uu ka Maamulo qayb ahaan Gobolka inuu ka sameysto wixii uu doono, cida uu rabana uu shaqo ka siiyo, taasi oo meesha ka saartay fursado badan oo shaqo ah inay helaan dhalinyaro waxbaratay oo Jaamacadaha dalka ka soo baxay.

Hoos ka dhageyso Warbixin ku saabsan Fashilka ka taagan maamulka gobolka Banaadir.