DHAGEYSO: Faroole ” Puntland waxaa ku furan labo dagaal”

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay puntland inuu haysto dagaal labo jiho ah oo kaga kala furan Magaalooyinka Gaalkacyo sidoo kale Magaalada Qandala ee gobolka Bari.

Waxa uu sheegay Gobolka Mudug inay kula dagaalamayaan ciidamada Galmudug, halka Gobolka Barina ay kula dagaalamayaan ciidamo ka tirsan Kooxda Daacish oo dhawaan la wareegtay degmada Qandalo oo ah degmo muhiim u ah maamulka Puntland.

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole Waxa uu tilmaamay Xaalada ka taagan deeganada Puntland inay xilligaan tahay mid aanan indhaha laga fiirsan Karin oo culimada iyo shacabka looga baahan yahay inay doorkooda ka qaataan.