Madaxweynihii Hore ee maamulka Puntland ahna hadda xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Madaxda maamulka Puntland oo uu sheegay in ay ku fashilmeen badbaadinta shacabka kunool degaanada maamulka Puntland.
Waxaa uu sheegay in xubno ka tirsan maamulka Puntland ay ka dambeeyeen dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo ay ku dhinteen shacab iyo askar badan oo ka tirsan ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.
Waxaa uu sidoo kale xusay in madaxda maamulka Puntland ay cuuryaamiyeen dhaqaalihii shacabka kunool degaanada maamulka Puntland.
Waxaa uu xusay in dhaqaalihii Puntland kaga imaan jiray Koonfurta Soomaaliya ay joojiyeen Madax ka tirsan Puntland si ay u dhibaateeyaan shacabka.
Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in dhibaato badan ay Puntland ay faraha la gashay.
Dhowr jaho ayuu sheegay in dagaallo kala duwan looga soo qaaday Puntland.
Madaxda Puntland ayuu sheegay in ay xamar u joogaan si macno daro ah.


