Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta booqday xarunta Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, oo ah Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa halkaasi waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada, iyadoo halkaasi Salaan sharaf uu kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.
Farmaajo ayaa halkaasi wuxuu kula hadlay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee u diyaarsan difaaca dalka iyo la dagaalanka Ururka Al-Shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiisha iyo ciidanka wuxuu u sheegay inay isku diyaariyaan qaadista hawlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Si guud dalka waxaa uga socda dhaqdhaqaaqa la xiriira dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Ciidanka AMISOM.



