DHAGEYSO: Farmaajo oo ka hadlay sawirka uu suray xafiiskiisa

Muqdisho-RisaalaFM- Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay sababta uu xafiiska u surtay sawirka Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde).

Mudane Farmaajo ayaa sawirkiisa ku bedelay kan Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Allaha u naxariistee, waxaana arrintan ay noqotay mid dad badan ay hadal hayeen, taas oo aheyd tallaabo ka duwan Madaxweynayaashii hore.

Fariin muuqaal ah oo la soo dhigay barta Facebooka ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in Aadan Cadde uu yahay Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya, oo ku yimid hab dimoqraadiyad ah, dimoqraadiyadna uga tagay Afrika oo aan wali fahamsaneyn wax dimoqraadiyad la yiraahdo.

Labo cisho ka hor Barta Twitter-ka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la soo dhigay sawirka (Aadan Cadde) oo suran Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.