DHAGEYSO: Farmaajo oo ka hadlay safaradiisa

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay sababaha keenay in ay kordhaan safarada uu dalka kaga baxayo oo hadal heynteeda aad ugu badatay bulshada.

Waxa uu sheegay socdaalka uu ku aado wadamada kale in ay keentay casuumaad uu ka helay wadamada saaxiibada la ah Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay Diyaaradahaasi uu ku safro in ay soo diraan wadamada uu u socdaalayo.

Farmaajo ayaa markii la doortay waxaa laga joogaa Labo bil iyo dhowr iyo Labaatan cisho, isaga oo safar ku tagay dalalka Sacuudiga, Jordan, Imaaraadka, Kenya iyo Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu Doorashada ku jiray ku cel celin jiray in uu yareynayo safarada uu ku aado, dalka dibadiisa, sidoo kalena ku dhaliili jiray Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.