DHAGEYSO: Farmaajo oo ka hadlay nabadeynta Gaalkacyo

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa sheegay in Dowladiisa ay ku dadaaleyso nabadeynta Magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in beelaha dega Magaalada Gaalkacyo ay heshiis rasmi ah kala dhex dhigi doonaan islamarkaana uu ka shaqeyn doono nabadeynta iyo dib u heshiisiinta beelaha Soomaliyeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu ku dadaalayo in colaad kale aysan ka dhex bilaaban beelaha Soomaaliyeed, isagoo sheegay in aysan suurta gal ahayn in weli ay kala qeybsan yihiin ayna ka shaqeyn dooonaan isku soo dhawaanshaha beelaha soomaaliyeed.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dajin doonto Siyaasad Cad oo ku Wajahan Abaaraha daran ee Dalka ka jira, Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka shaqeyn doonaan ka hor taga Abaaraha ayna ka shaqeyn doonaan u gurmashada dadka Soomaaliyeed.