DHAGEYSO: Farmaajo oo Ciidamada xoogga ku amray in ay qaadaan Dagaal

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Ciidamada xoogga dalka ka dalbaday in ay dagaal ku qaadaan goobaha ururka Al-shabaab ay kaga sugan yihiin dalka.

Wuxuu sheegay Shabaab mar walba in ay soo qaadaan Dagaal iyo weeraro, maalin walbana ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, taas bedelkeeda ayuu sheegay in Ciidanka xoogga dalka markan wixii ka dambeeya ay noqdaan kuwo dagaalka qaada.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay 8-da bilood ee Xukuumadda ay jirto in wax badan la qabtay, howlo kalena ay harsan yihiin, wuxuuna saraakiisha ka dalbaday in ay adkeeyaan shuruucda Ciidamada.

Waxaa uu sheegay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, AMISOM iyo kuwa Mareykanka in ay qaadi doonaan Howlgallo, ay kordhin doonto inay markasta is arkaan isaga iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, si ay uga arrinsadaan hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay booqasho ku tagay xarunta Wasaaradda Difaaca, ayaa hoosta ka xariiqay inay wax ka bedeli doonaan hawlgalada lagula dagaalamayo Shabaabka, oo sida uu qiray ay Shabaabku markastaba weerarada soo qaadaan, halka iyaguna ay difaac yihiin.