DHAGEYSO: Farmaajo oo baaq u diray shacabka

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shacabka ka codsaday in ay joojiyaan dibadbaxyada weli ka socda qeybo ka tirsan gudaha Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo xalay shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa shacabka ka codsaday in guud ahaan la joojiyo banaanbaxyada lagu taageerayo.

Waxa uu sheegay in uu idlaaday kaambeynkii la xiriiray dhanka Doorashada, iminka wixiii ka dambeeyana la guda geli doono shaqada Dowladda Federaalka.

Sidoo kale Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sameyn doonto isbedelo waa weyn oo dhanka siyaasada iyo amniga ah, si loo gaaro guulo la taaban karo oo lagu faano.