Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay ayaa fariin u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay Dowladdan in ay tahay Dowladdii shacabka.
Wuxuu sheegay Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) shacabka in looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan sugidda ammaanka iyo dib u dhiska dalka, wuxuuna ku baaqay in ay dadka is cafiyaan.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka ku wareejiyay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib Munaasabad kooban oo ka dhacday Madaxtooyada.
22-ka Bishan ayeey si rasmi ah u dhaceysa Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo.


